Posts

Showing posts from January, 2022

SONKOROW(DIABETES)

  Sonkorow waa marka heerka sonkorta(glucose) ee ku jirta dhiiggu ay ka badato xaddigii caadiga ahaa. Waa cudur kamid ah cudurrada raaga oo qofku la noolaado muddo dheer. Sonkorowgu waxa uu yimaadaa marka hormonka loo yaqaan Insulin ee lagasoo daayo unugyo kuyaal ganaca(pancreas) lasoo deyn waayo, tiro yar lasoo daayo ama jirku u isticmaali waayo si sax ah. Waxaa jira labo nooc oo waaweyn oo ah sonkorow oo kala ah 1 iyo 2. .Nooca 1 waxa uu dhacaa marka gebi ahaanba lasoo deyn waayo Insulin, noocan waxaa badanaa lagu arkaa dadka da.doodu ka yartahay 30 sano. .Nooca 2 waxaa sababa Insulin oo yaraata, ama jirku ka faa.iideysan waayo, waxa uu noocani ku badanyahay dadka da.doodu kor u dhaaftay 40. Waxyaabaha halista leh Waxa aad halis ugu jirtaa sonkorow: .Haddii aadan sameyn socod ama jimicsi .Qoyskaaga qaar kamid ah lagu arkay sonkor, nooca 2 ayaa badanaa lakala dhaxlaa .Haddii aad tahay qof buuran .Da.da kaweyn 50 sano .Hooyada uurka leh: xilliga uurka hooyooyinka qaar a...

TALO CAAFIMAAD

Dhiig-karka(hypertension). Cadaadiska dhiiggu waa xoog ka dasha wareegga dhiigga oo ku dhacaya darbiyada xididdada dhiigga qaada wadna garaac kasta. Cadaadiska dhiigga waxaa loo qoraa labo tiro oo la is hoos dhigay oo kala ah: .Kan sare oo ah marka uu wadnuhu dhiigga bambeeyo loona yaqaan systolic. .Kan hoose oo ah marka uu wadnuhu kujiro nasashada loona yaqaan diastolic. Dhiig -kar waa cadaadiska dhiigga oo ka sare mara 140/90 marka la cabbiro  ugu yaraan labo(2) maalmood  oo kala duwan. .Waxyaabaha keeni kara dhiig-karka. . Cunista cuntooyinka ay ku badantahay cusbada, dufanka. . Fadhiga badan ama jimicsi la.aanta . Cayilka .sigaarka, qaadka, iyo alkolada. .dadka qaba cudurrada ay kamid yihiin, Sonkorta, kalyo xanuunka. Calaamadaha lagu garto. Badanaa dhiig-karku malaha calaamad lagu garto. Mararka qaar waxa uu yeelan karaa .madax-xanuun .wareer .aragga oo daciifa Dhibaatooyinka ka dhalan kara haddi an la kontoroolin. .wadne qabad .faalig(stroke) .hawlga...