TALO CAAFIMAAD

Dhiig-karka(hypertension).

Cadaadiska dhiiggu waa xoog ka dasha wareegga dhiigga oo ku dhacaya darbiyada xididdada dhiigga qaada wadna garaac kasta.
Cadaadiska dhiigga waxaa loo qoraa labo tiro oo la is hoos dhigay oo kala ah:
.Kan sare oo ah marka uu wadnuhu dhiigga bambeeyo loona yaqaan systolic.
.Kan hoose oo ah marka uu wadnuhu kujiro nasashada loona yaqaan diastolic.

Dhiig -kar waa cadaadiska dhiigga oo ka sare mara 140/90 marka la cabbiro  ugu yaraan labo(2) maalmood  oo kala duwan.

.Waxyaabaha keeni kara dhiig-karka.
. Cunista cuntooyinka ay ku badantahay cusbada, dufanka.
. Fadhiga badan ama jimicsi la.aanta
. Cayilka
.sigaarka, qaadka, iyo alkolada.
.dadka qaba cudurrada ay kamid yihiin, Sonkorta, kalyo xanuunka.

Calaamadaha lagu garto.
Badanaa dhiig-karku malaha calaamad lagu garto.
Mararka qaar waxa uu yeelan karaa
.madax-xanuun
.wareer
.aragga oo daciifa

Dhibaatooyinka ka dhalan kara haddi an la kontoroolin.
.wadne qabad
.faalig(stroke)
.hawlgab kalyaha
.xididdada dhiigga oo adkaada

Daweynta.
1. Hab nololeedkaga isbeddel kusamee.
.yaree qaadashada cuntada cusbada, dufanka leh.
.Biyo badan cab, socod iyo jimicsi samee.
.Jooji sigaarka, qaadka iyo alkolada.
2. Qaado dawooyinka cadaadiska dhiigga yareeya.
.Dawada uqaado sida takhtarku kuugu qoray
.ha joojin dawada laguu qoray ilaa takhtarku kaa baddalo ama kaa joojiyo.
.lasoco cabbirka cadaadiska dhiiggaaga
. Si joogto ah ula xiriir takhtarkaaga si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhalan kara xanuunkan.

Comments

Popular posts from this blog

SONKOROW(DIABETES)