SONKOROW(DIABETES)
Sonkorow waa marka heerka sonkorta(glucose) ee ku jirta dhiiggu ay ka badato xaddigii caadiga ahaa.
Waa cudur kamid ah cudurrada raaga oo qofku la noolaado muddo dheer.Sonkorowgu waxa uu yimaadaa marka hormonka loo yaqaan Insulin ee lagasoo daayo unugyo kuyaal ganaca(pancreas) lasoo deyn waayo, tiro yar lasoo daayo ama jirku u isticmaali waayo si sax ah.
Waxaa jira labo nooc oo waaweyn oo ah sonkorow oo kala ah 1 iyo 2.
.Nooca 1 waxa uu dhacaa marka gebi ahaanba lasoo deyn waayo Insulin, noocan waxaa badanaa lagu arkaa dadka da.doodu ka yartahay 30 sano.
.Nooca 2 waxaa sababa Insulin oo yaraata, ama jirku ka faa.iideysan waayo, waxa uu noocani ku badanyahay dadka da.doodu kor u dhaaftay 40.
Waxyaabaha halista leh
Waxa aad halis ugu jirtaa sonkorow:
.Haddii aadan sameyn socod ama jimicsi
.Qoyskaaga qaar kamid ah lagu arkay sonkor, nooca 2 ayaa badanaa lakala dhaxlaa
.Haddii aad tahay qof buuran
.Da.da kaweyn 50 sano
.Hooyada uurka leh: xilliga uurka hooyooyinka qaar ayaa lagu arkaa sonkortooda oo kacsan, waxaana lagu magacaabaa (gestational diabetes).
Calaamadaha lagu garto
Badanaa cudurkani malaha wax calaamad ah, sidaa darteed waxaa lagu magacaabaa dilaaga aamusan(silent killer).
Mararka qaar ayaa lagu arkaa calaamadaha soo socda:
.Kaadi badan
.Oon/harraad badan
.Daal
.Miisaanka oo hoos udhaca
.Dhaawacyada ama nabarrada jirka kasoo baxa oo aan sahal ku bogsan
.Aragga oo caweer yeesha
.Kabuubyo badan
Dhibaatooyinka ka dhasha haddii an la kontoroolin sonkorta
.Hawlgab kalyaha(renal failure)
.Dhiig-kar(hypertension)
.Faalig(stroke)
.Aragga oo daciifa
.Dhaawac soo gaara lugaha taas oo ka dhalata dareenka lugaha oo daciifay
.Wadne-qabad (heart attack)
.Difaaca oo hoos udhaca, taas oo keenta inaad u nuglaato cudurrada infectionska ah
Maareynta
Sonkorow inaad qabto waxaa go.aan ka gaari kara takhtar iyada oo la tix raacayo calaamadaha, laguna xaqiijinayo baaritaan dhiigga laga qaado
.Daweynta waxaa lagu saleeyaa nooca sonkorta iyo xaaladda bukaanka
.Qaado dawada uu takhtarku kuu qoray adiga oo raacaya sida lagu yiri uqaado
.Lasoco cabbirka sonkortaada adiga oo raacaya jadwalka uu takhtarku kuu sameeyey
.Xanuunkani ma aha mid inta hal mar dawo la qaato laga bogsado ee dawadiisa joogto ayaa loo qaata, sidaa darteed takhtarka oo kaliya ayaa kaa baddali kara dawada
.Kontorol qaadashada cuntooyinka sonkorta leh
.Samee jimicsi/socod joogto ah
.Biyo cabbidda badso
.Laxiriir takhtarkaaga si joogto ah, si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhalan kara cudurkan sonkorowga.
Comments
Post a Comment